Saxafi sababay is-mari-waag ka dhex-taagan Turkiga iyo Sweden

Image
Ankara ayaa wariyahan waxay ku eedeynaysaa in uu ku lug lahaa isku daygii afgembiga ee sanado ka hor ka dhacay dalkaasi.

ANKARA, Turkey - Sweden ayaa sheegtay in aysan fulin karin dalabaadka Turkiga si ugu biirto isbahaysiga NATO, taas oo ah arrin ogolaanshaheeda ku xirantahay Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden ayaa XUSAY in ay fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah SHURUUDAHA Turkiga oo horey heshiis looga galay, balse aysan awoodin ama aysanba diyaar u ahayn in ay fuliyaan qeyb ka mid ah.

Markii Ruushka uu bilaabay hawlgalada ka dhanka ah Ukraine, ayay dalalka Sweden iyo Finland waxa ay dalbadeen in ay ku biiraan NATO si ay u helaan difaac iyo damaanad qaad amni haddii Ruushka uu horey usii socdo.

Balse Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa diiday arrinkaas, waxayna labadan dal ku xirtay shuruud ah in ay dalalkooda ka eryaan xubnaha ka tirsan dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta sida PKK oo kale, iyo xubno kale oo uu ka mid yahay wariye caan ah oo lagu magacaabo Bulent Kenes.

Haseyeeshee maxkamadda sare ee waddanka Sweden ayaa bishii lasoo dhaafay waxay hor istaagtay in aanan Turkiga loo gacangalin karin wariyahan.

Ankara ayaa saxafigan waxay ku eedeynaysaa in uu ku lug lahaa isku daygii afgembiga ee sanado ka hor ka dhacay dalkaasi. Waxaa kale oo jira 33 shaqsi oo Kurdiyiin ah oo Turkiga doonayo in loo gacan galiyo.

Turkiga iyo Hungary oo kaliya ayaa diidan in dalalkani ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO oo ay xubno ka yihiin 30 dal. Balse, Hungary ayaa dhowaan waxay ku andacootay in ay ansixin doonto arjiga Sweden iyo Finland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM