Sayga afhayeenka Congress-ka oo dubbe lagu dhaawacay

Image
Xafiiska Nancy Pelosi ayaa xaqiijiyey waxyeeladda oo badan dhanka madaxa iyo qeybaha sarre ee jirka.

WASHINGTON, US- Seyga guddoomiyaha Congress-ka waddanka Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa "si arxan daran loogu dhaawacay" gurigooda oo ku yaala magaalada San Francisco, sida uu sheegay xafiiskeeda.

Afhayeen u hadlay xafiiska ayaa xusay in weerarku uu dhacay subaxnimadii Jimcaha, gacan ku dhiiglihiina gacanta lagu hayo, isagoo intaa ku daray in Paul Pelosi uu helayo daryeel caafimaad oo aad u wanaagsan. Ma cadda sababaha ka dambeeya weerarka.

"Guddoomiyaha ma joogin San Francisco wakhtigaas," ayuu xafiiska Pelosi ku yiri bayaan. "Guddoomiyaha iyo qoyskeeda waxay u mahadcelinayaan dadka sida degdeg ah uga soo jawaabay weerarka iyo xirfadlayaasha caafimaadka".

Iyadoo soo xiganaysa illo wareedyo daahsoon, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in qofka weerarka gaystay uu si gaar ah u beegsaday guriga Pelosis oo uu dubbe ku weeraray Paul Pelosi.

Warbixinta oo fahfaahin badan wadata ayaa isaga oo intaa ku dartay in sayga afhayeenka aqalka uu soo gaaray "dhaawacyo xoog leh oo madaxa iyo qeybaha kale ee jidhkiisa ah".

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadda oo wax ka yar laba toddobaad ay ka harsan tahay doorashada muhiimka ah ee 8-da bisha November ee xilliga dhexe, taas oo ay ku tartamayaan awoodda Koongareeska, oo uu ku jiro afhayeenka aqalka wakiillada.

Pelosi oo 82 jir ah ayaa si joogto ah bartilmaameed ugu ah jamaahiirta Jamhuuriga. Xafiiskeeda ayaa la jabsaday intii lagu guda jiray rabshadihii ka dhacay Aqalka Capitol ee Mareykanka 6-dii bishii Janaayo 2021-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM