Scotland oo yeelatay ra'iisul wasaarihii ugu horeeyay Muslim ah

Image
Humza Yousaf ayaa sidoo kale waxa uu noqdey qofkii koowaad ee aan cadaan ahayn ee hogaamiya xisbi weyn oo UK ah.

LONDON, UK - Baarlamaanka waddanka Scotland ayaa Talaadadii Humza Yousaf u doortay inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha cusub. 37-jirkan ayaa helay 71 cod taasoo ka dhigan Aqlabiyadda Xildhibaanadda.

Yousaf ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo hogaamiya xisbi weyn oo UK ah, waana hogaamiyihii ugu horeeyay ee qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee awood qeybsi ah ka yeelato UK.

Hogaamiyaha xisbiga Konserfatifka ee Scotland, Douglas Ross, ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka, isagoo helay 31 cod. Natiijaddan ayaan u suurtagelin uu mar kale isa soo sharaxo.

Ross waxa uu ugu hambalyeeyay Yousaf inuu noqday qofkii ugu horreeyay ee cadaan aan ahayn ee wasiirka koowaad noqda, taasoo "farriin" u diraysa qof walba in fursado ay ka jiraan dhammaan UK.

“Tani waxay ii tahay maalin sharaf leh aniga, qoyskayga. Waxa aan maqlayaa ilmahayga oo saddex jir ah oo ila hadlaya, oo iga gacan haadinaya qolka,” ayuu Yousaf yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan rajeynayaa in maanta ay sidoo kale u tahay maalin sharaf leh Scotland oo ay ka hadlayso qiyamkayaga waddan ahaan maadaama aan halkan u taaganahay anigoo ah qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee hoggaamiya waddan dimoqraadi ah oo reer galbeed ah".

Qaar ka mid ah qoyska Yousaf ayaa sidoo kale joogay baarlamaanka iyaga oo wata dharkooda dhaqanka ee Koonfurta Aasiya si ay marqaati uga noqdaan marxaladda taariikhiga ah ee siyaasadda Scotland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM