Senator mucaarad ah oo loo xiray qoraal uu ku faafiyey Twitter-ka

Image
Azam Swati ayaa ah sharci-dejiye ka tirsan xisbiga Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

ISLAMABAD, Pakistan - Hogaamiye sare mucaarad ah ayaa lagu xiray Pakistan kadib qoraal uu ku sifeeyay "foolxumo iyo cabsi-geliye" madaxa ciidamada milatariga, Qamar Javed Bajwa, oo ah Jeneraal awood badan.

Azam Swati, oo ah sharci-dejiye ka tirsan xisbiga Ra'iisul Wasaarihii hore Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa Hay'adda Dambi Baarista Federaalka (FIA) ku xirtey caasimadda Islamabad aroornimadii Khamiista maanta ah.

Qareenka Swati Babar Awan ayaa sheegay in guriga siyaasiga lasoo weeraray goor dambe oo habeenimo ah iyada oo aan amar baaritaan la haysan. "Waa la xiray oo loola dhaqmay sidii argagixiso," ayuu Awan ayaa u sheegay Al Jazeera, isagoo raaciyay in waddanku noqday "Fashiste".

Qoraalka uu Swati soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Arbacada waxa uu jawaab u ahaa maxkamad ku taal magaalada Lahore oo ku xukuntay ra’iisal wasaaraha xilka haya Shehbaz Sharif iyo wiilkiisa Hamza Shehbaz "kiis lacag la dhaqay".

Senatar-ka 66-jirka ah wuxuu la hadlay Bajwa, isagoo ugu hambalyeeyay "qorshihiisa" ee shaqeynaya wuxuuna sheegay in "dambiilayaasha" ay xor yihiin.

FIA, oo xirtey Swati iyada oo cuksaneysa sharciga dambiyada internet-ka, ayaa sheegtay in qoraal uu ahaa "isku day laga soo shaqeeyay" oo lagu beerayo "nacayb ay dadka iyo ciidamadda u qaadaan Taliyaha Ciidanka iyo ciidamada Pakistan".

Milateriga Pakistan ayaa dalka xukumayay in ka badan kala bar 75-kii sano oo uu waddankan yahay mid madax-bannaan. Dad badan ayaa u arka in hay’addani tahay xarunta dhabta ah ee awoodda siyaasadeed ee qarankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM