Shacabka Israa'iil oo ku riixaya dawladda inay la xaajooto XMS

Image
Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Tel Aviv.

QASA (GO) - Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Tel Aviv, iyaga oo ka dalbanaya xukuumadda Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu inay ka la fariisato XMS sidii loo sii dayn lahaa dhammaan maxaabiista ku haray marinka Qasa.

Madasha Qoysaska La haystayaasha iyo Dadka la la'yahayoo taageero warbaahineed siiya qoysaska maxaabiista la qafaashay 7-dii Oktoobar, ayaa qabanqaabisa dibad-baxyo ballaaran oo sabti walba lagu taageerayo qoysaska maxaabiista.

Qaar ka mid ah la haystayaashii horay loo sii daayay ayaa Sabtidii la hadlay dadweynaha waxayna sharraxaad ka bixiyeen dhibaatooyinka ay la kulmeen inta ay ugu jireen gacanta Xamaas.

Wakiil ka socda qoysaska maxaabiista ayaa ugu baaqay xukuumadda Netanyahu inay ka wada xaajoodaan sidii loo sii dayn lahaa dhammaan Israa’iiliyiinta iyo ajaanibta weli ku xiran marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM