Shacabka Israa'iil oo ku riixaya dawladda inay la xaajooto XMS

Image
Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Tel Aviv.

QASA (GO) - Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Tel Aviv, iyaga oo ka dalbanaya xukuumadda Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu inay ka la fariisato XMS sidii loo sii dayn lahaa dhammaan maxaabiista ku haray marinka Qasa.

Madasha Qoysaska La haystayaasha iyo Dadka la la'yahayoo taageero warbaahineed siiya qoysaska maxaabiista la qafaashay 7-dii Oktoobar, ayaa qabanqaabisa dibad-baxyo ballaaran oo sabti walba lagu taageerayo qoysaska maxaabiista.

Qaar ka mid ah la haystayaashii horay loo sii daayay ayaa Sabtidii la hadlay dadweynaha waxayna sharraxaad ka bixiyeen dhibaatooyinka ay la kulmeen inta ay ugu jireen gacanta Xamaas.

Wakiil ka socda qoysaska maxaabiista ayaa ugu baaqay xukuumadda Netanyahu inay ka wada xaajoodaan sidii loo sii dayn lahaa dhammaan Israa’iiliyiinta iyo ajaanibta weli ku xiran marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM