Shacabka Niger oo ka soo horjeestay Safiirka Faransiiska

Image

NIAMEY, Niger - Waxaa shalay dhamaaday waqtigii ay madaxdii afgambiga dalka Niger u qabteen safiirka Faransiiska, Sylvain Ait, in uu dalka kaga baxo, xilli agagaarka saldhigga ciidammada Faransiiska ee caasimadda Niamey uu ka dhacay bannaanbax looga soo horjeeedo joogitaanka safiirka Paris ee dalka.

Dadka isugu soo baxay ayaa kor u qaaday calamada dalalka Niger iyo Ruushka, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cambaareynayaan mawqifyada Faransiiska oo ay ku eedeeyeen in ay wax u dhimeyso ammaanka dalkaasi.

Halka qaar kalena ay wateen boorar ay ku dalbanayaan in ciidamada Faransiiska ay ka baxaan dalka, maadaama 1,500 oo askari oo Faransiis ah ay weli ku sugan yihiin dalka Niger.

Warbaahinada caalamka ayaa wariyay in safiirka Faransiiska u fadhiya Niamey uu weli ku sugan yahay dalka Niger, inkastoo madaxda afgambiga ay ka codsadeen inuu dalka ka baxo.

Saacado ka hor inta uusan dhamaanin waqtiga kama dambeysta ah ee golaha militariga ee Niger u qabtay Safiirka, xubin ka tirsan golaha oo lagu magacaabo Colonel Bashir Amadou ayaa sheegay in shacbka Niger ay ku qasbi doonaan safiirkan inuu dalka ka tago.

Colonel Bashir ayaa sidoo kale ku baaqay in la sii wado "abaabulka iyo halganka" ilaa iyo inta dalka laga musaafirnayo askarigii ugu dambeeyay ee Faransiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM