Shaqaalaha iyo Saraakiisha Ruushka oo laga joojiyay iPhone-ka cabsi la xiriirta basaaska Mareykanka

Image

MOSCOW - Wasaaradda Horumarinta Dijitalka ah ee Ruushka ayaa ka mamnuucday shaqaalaha inay u isticmaalaan iPhone-ka iyo iPad-yada hawlaha la xiriira shaqada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax Jimcihii.

"Xayiraad ayaa lagu soo rogay in aaladaha mobaylada (oo ay soo saartay Apple) loo adeegsado howlaha shaqda ama la isku dhaafsado emailada la xiriira shaqda." ayay wakaaladdu ka soo xigatay wasiir Maksut Chaadaev, Wasiirka Horumarinta Dijitalka ah, isagoo ka hadlayay shir.

"Waa loo ogol yahay in loo isticmaalo mobaylada iPhone baahida shakhsi ahaaneed," ayuu raaciyay wasiirka Ruushka.

Wasaaradda ayaa xayiraadda soo saartay labo bilood ka dib markii waaxda amniga gudaha ee Ruushka ay sheegtay in dhowr kun oo aaladaha Apple ah la jabsaday sababo la xiriira basaaska Mareykanka, taasoo ay shirkaddu beenisay.

Mamnuucidda taleefoonnada iPhones, iPad-ka iyo aaladaha kale ee Apple ee wasaaradaha iyo hay’adaha hormuudka ka ah waxay muujinaysaa welwelka sii kordhaya ee Kremlin-ka iyo hay’adda sirdoonka ee ku aaddan falalka basaasinimada ah ee ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku ku hayaan hay’adaha dawladda Ruushka.

Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka oo waaxda amniga ee Ruushku ay sheegtay inay la shaqaynayso shirkadda Apple, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho eedaymahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM