Shaqaale ka tirsanaa safaarada Mareykanka ee Ruushka oo la xiray

Image
Mr Shonov oo lagu eedeeyay "maleegida shirqool" ayaa lagu xiray magaalada dekedda leh ee Valdivostok.

MOSCOW, Russia - Shaqaale hore oo ka tirsanaa safaaradda Maraykanka ee Ruushka ayaa loo xiray sababo ku aadan "shirqool ay maleegeysay", sidda ay sheegtay wakaaladda wararka ee TASS.

"Robert Shonov ayaa waxaa xabsi u taxaabay Hay'adda Adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka waxaana ay wajihi doontaa maxkamadda awoodda u leh," ayay raacisay TASS.

TASS waxa ay sheegtay in Shonov uu wajihi doono xabsi dhan 8 sano. Safaaradda ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in ay ka warqabto wararkaas balse aysan haynin "wax kale oo la wadaago waqtigan".

Mr Shonov ayaa lagu xiray magaalada dekedda leh ee Valdivostok, su’aalo la weydiiyay ka dib, waxaa lagu eedeeyay "in uu si qarsoodi ah ula shaqeynayey dowlad shisheeye ama hay'ad caalami ah ama ajnabi ah", sida lagu sheegay warbixinta TASS.

Saraakiisha ayaa codsaday in la sii hayo Mr Shonov muddo saddex bilood ah. "Ma jiro wax taariikh ah oo maxkamadeyntiisa loo qabtay," wakaaladda wararka ayaa tiri.

Iyadda oo macluumaad badan aan laga hayn kiiskan, Mr Shonov ayaa lagu hayaa xabsiga Lefortovo ee magaalada Moscow, oo horey u ahaan jiray xabsiga KGB.

Weriye reer Mareykanka, Evan Gershkovich, oo la xiray bishii Maarso, isagoo u shaqeynayay wargeyska Wall Street Journal, laguna eedeeyay basaasnimo, ayaa sidoo kale lagu hayaa Lefortovo.

Sidoo kale, Paul Whelan oo hore uga tirsanaa ciidamada badda Maraykanka ayaa lagu xukumay 16 sano xarig ah sanadkii 2020 kadib markii lagu xiray magaalada Moscow.

Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa Whelan waxay ku eedeeyeen basaasnimo sanadkii 2018. Hase ahaatee, xukuumadda Washington ayaa ku tilmaamay eedeymaha labada nin mid aan sal iyo raad lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM