Rag lagu tuhmay budhcadbadeednimo oo lasii daayay

Image
Ciidamada Denmark ayaa u cuksadey talaabadan in ay waayeen dal maxkamad soo taaga.

COPENHAGEN, Denmark - Saddex nin oo looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin oo muddo lix toddobaad ah ku xidhnaa markab dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark oo marayey xeebaha galbeedka Afrika, ayaa la sii daayey, iyagoo la socday doon yar.

Saddexda qof ayaa la qabtay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay gacanka Guinea ka dhacday rasaas ay dad badan ku nafwaayeen.

Ciidamada qalabka sida ee Denmark ayaa sheegay in ay ku guuldareysteen in ay helaan dal ka tirsan gobolka kaas oo qaadi doona dadka lagu eedeeyay burcad badeednimada.

Sidaas darteed waxaa la qaatay go’aan ah in nimankaas lagu sii daayo meel u dhow biyaha Nigeria, iyaga oo wata cunto iyo shidaal ku filan oo ay ku tagaan xeebta.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Denmark, israsaaseynta ayaa dhacday 24-kii November ka dib markii looga shakiyay burcad-badeed ay weerareen markab konteenar ah.

Afar ka mid ah raggan ayaa waxaa dilay ciidamada Denmark - oo aaggaas ku sugan, taasoo qayb ka ah howlgalka lagu ilaalinayo maraakiibta iyadoo la adkeeyay ammaanka burcadbadeedda - halka qof shanaad uu ku dhacay badda.

Afar kale ayaa lagu xiray markabka ciidamada badda ee Denmark. Waxaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen askarta Danishka - balse waxay dib ka beeniyeen eedeyntaas.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa loo qaaday Ghana halkaas oo lugta laga gooyay - ayaa loo gudbiyay Danmark si loogu soo oogo dacwad ah isku day dil. Eedeymaha ka dhanka ah saddexda kale waa la laalay, sida ay qareenadooda xaqiijiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM

Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank 

Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.

  • Caalamka

    04-03-2026

  • 10:31PM