Sharciga ka jira Mareykanka ee caqabada ku gurmadka abaaraha

Image
Hay'adaha samafalka ayaa si weyn uga baqaya in uu qabto waxaana ay ka muujiyeen walaac badan.

LONDON, United Kingdom - Hay’adaha samafalka qaar ayaa sheegay in ay ku adagtahay in ay gargaar gaarsiiyaan qeybo ka mid ah Soomaaliya sababo la xiriira sharciga argagixiso la dagaalanka Maraykanka.

Sharcigan ayaa waxa uu qabaa in aanan wax gargaar gacanta loo galin karin kooxaha ku astaysan argagixisada, ciddii lagu helana sharciga lala tiigsan doono.

Arrintan ayaa imanaysa xilli dad badan oo abaaraha saameeyeen ay ku noolyihiin meelaha ay Alshabaab ka taliso, waxaana dhacday in hay’adaha ay gebi ahaanba ka baaqsadeen in ay gargaar u diraan halkaas.

Hay’adaha baqdinta xooggan qaba ayaa ah kuwa lacagaha ka hela Maraykanka, iyo xukufadiisa ama si uun uu saamaynta ugu leeyahay.

11 sano ka hor, rubuc malyuun qof ayaa ku geeriyootay abaaro ka jirey dhulka ay Alshabaab haysteen, haddana waxa ay u egyahay in jidkii oo kale la marayo.

Maraykanka ayaa sheegay in uu ka waraabo abaarta ka jirta Soomaaliya, sharcigana kaliya loogu talogalay in lagula dagaalamo argagixisada. Waxase dowladda Maraykanka ay sheegtay in hay’adaha ay talo iyo tilmaam weeydiin karaan dowladda meelaha ay caqabadaha kala kulmaan.

Qaar ka mid ah hay’adaha ayaa sheegay in ay wadahadal kula jiraan Alshabaab, si ay gargaar u gaarsiiyaan goobaha ay haystaan oo lagu qiyaasay in ay ku noolyihiin 900 kun qof oo dhibaataysan.

Waxaa jira labo sharci oo Maraykanka leeyahay oo gebi ahaanba mamnuucaya in wax qarash ah gacanta laga galiyo kooxaha argagixisada sida Alshabaab oo kale.

Alshabaab ayaa lacag waddo-mar ah ku qaadda isbaarooyinka, iyo lacag kale oo canshuur ah oo ay ka qaaddo raashiinka gargaarka ah.

Qofkii lagu helo in uu Alshabaab canshuur siiyay waxa uu Maraykanka ganaaxayaa $1 milyan doolar iyo 20 sano oo xarig ah, taas oo ah waxa ay hay’adaha baqdinta badan ka qabaan.

Sida ay qabaan xeerdheerayaal darsay abaartii 2011-kii, Alshabaab daqli badan kama samayso gargaarka marka la barbardhigo lacagaha kale ee tirada badan ee kasoo hala illaha kale ee gudaha Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay haddii uu gargaarka badanyahay, weli waa il dhaqaale oo xoog badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM