Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil
DHAKA - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Bangladesh, Sheikh Hasina, ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay dib ugu laabato dalkeeda bisha Diseembar, inkastoo lagu xukumay dil iyadoo muddo laba sano ah qaxooti ugu nooleyd dalka Hindiya.
Hasina oo 78 jir ah ayaa wareysi ay siisay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh iyadoo ay la socdaan saraakiil sare oo ka tirsan xisbigeeda Awami League, si ay uga hortagaan go’aannada sharci ee lagu mamnuucay xisbiga.
Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.
"Waxaa dhici karta inay i xiraan marka aan soo laabto, xitaa way i dili karaan. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan tagaa. Haddii geeri ii timaaddo, waxaan rabaa inay ku timaaddo dalkayga," ayay tiri Hasina oo wareysiga telefoonka kaga hadleysay magaalada New Delhi.
Hasina ayaa ugu baaqday xubnaha kale ee qurbaha ku sugan ee xisbigeeda, oo uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Asaduzzaman Khan Kamal, kaas oo isaguna wajahaya xukun dil ah, inay iyadana la soo laabtaan Bangladesh.
"Dhamaanteen waxaan isu dhiibi doonnaa maxkamadda," ayay tiri, iyadoo ku tilmaantay dacwadaha loo haysto iyada iyo xisbigeeda kuwo "aan sal lahayn".
Si kastaba ha ahaatee, maamulka hadda ka arrimiya Bangladesh ayaa muujiyay inuusan wax tanaasul ah u sameyn doonin Hasina, iyadoo weli ay taagan yihiin dacwadaha iyo xukunka dilka ah ee lagu riday.
Sheikh Hasina ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh soo haysay muddo ku dhow 20 sano oo kala duwan, iyadoo lagu ammaano koboca dhaqaale ee dalka iyo horumarinta warshadaha dharka, hase yeeshee waxaa sidoo kale lagu dhaliilay xukun kalitalisnimo iyo caburinta mucaaradka. Waxay dalka ka baxsatay sanadkii 2024 kadib kacdoon ay hormuud u ahaayeen arday oo lagu riday dowladdeeda.
GAROWE ONLINE