Shiidka Muqdisho: Dacaayad mucaarad mise Xaqiiqo banaanyaal ah?

Image
Xildhibaano u badan mucaaradka ayaa si weyn u riixayay ololahan qabsadey internet-ka saacadihii lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan waxaa ka socday olole lagu soo bandhigay baraha bulshada, kaas oo dhalinyarada ku nool magaalo-madaxda kaga cabaneyso dhaqaale xumo soo wajahday dadka, gaar ahaan dhalinyarada.

Dhaqaale xumada la sheegay ayaa dusha loo saaray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo lagu eedeeyey in dhaqaalihii dalka gacanta u galay kooxo gaar ah oo aad ugu dhow Villa Somalia, kuwaas oo la sheegay in dhaqaalaha dalka dibadiisa hanti kaga iibsadeen.

Hase ahaatee, dadweynaha ayaa si weyn ugu kala qeybsamay doodan. Qaarkood waxay sheegeen in mucaaradka ay ku dacaadeynayaan xukuumadda halka kuwa ay taageereen.

Xildhibaano u badan mucaaradka ayaa si weyn u riixayay olole kuwaas oo kadib fadhigii shalay ee Golaha Shacabka u sheegay warbaahinta dalka uu wajahayo dhaqaale la'aan ba'an.

Balse, shacabka ka falceliyay hadalada mudaneyaasha waxay su'aal ka keeneen mushaharka Xildhibaanada iyo Wasiiradda iyaga oo ku andacoodey in dhaqaalihii uu dhankooda soo jiro.

Dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya burburkii dowladnimo ayaa aad ugu tiirsan taageerada dhaqaale ee laga helo beesha caalamka, gaar ahaan magaalo-madaxda, taas oo dadka ku nool ku tiirsan yihiin qandaraasyada laga helo mashaariicda beesha caalamka kuwaas oo xaruntoodu tahay Xalane.

Hoos waxaa ka muuqda qaar ka tirsan muuqaalada baraha bulshada soo dhigeen dhalinyarada ka cabaneysa dhaqaale xumada soo foodsaartey magaalo-madaxda tan iyo intii xukunka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM