Shiinaha oo duray hubka Reer Galbeedka siiyo Soomaaliya

Image
Bejing ayaa rumeysan in hubkan ay "ku dhamaadaan gacmaha kooxaha argagixisada ama maleyshiyaad".

NEW YORK, United States - Hubka ay reer galbeedka ku daabulaan goobaha colaaduhu ka jiraan sidda Soomaaliya waxay ugu dambeyn u gacan-galaan kooxaha argagixisada, sidda uu sheegay Shiinaha.

Geng Shuang, oo ah safiir ku xigeenka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, ayaa Khamiistii wuxuu hadalkan ka sheegay kulanka loo dhan yahay ee golaha ammaanka Qaramadda Midoobay yeeshay.

Inta uu socdey kulankan, danjieyaasha UN-ka ku matala Mareykanka iyo Ruushka ayaa si weyn uga doodey qadiyaddan iyadda oo mid walba uu difaacayay mowqifka dowladiisa.

Washington ayaa kamid ah wadamadda sidda weyn hubka ugu deeqaya Ukraine. Qaar kamid ah dowladaha Yurub ayaa sidoo kale waxay bilooyinkii lasoo dhaafay taageero saanad ciidan u direen Kyiv.

Hadalkan ayuu Shuang ka dhawaajiyay xilli uu ka hadlayay khatarta ka dhalan karta hubka ay reer galbeedka siinayaan Ukraine si ay isaga caabiso duulaanka uga yimaadey dariskeeda Ruushka.

"Hubka kusii qulqulaya Ukraine wuxuu kaliya sii hurin karaan colaadda," ayuu raaciyey isaga oo ula jeeday in uusan xal nabadeed u horseedi doonin shacabka rabshahada ay ka qixiyeen guriyahooda.

Shuang ayaa raaciyey: "Taas waxaa caddeyn u ah in hubka ay reer galbeedku geeyeen dalalka ay colaaduhu ka jiraan ee Soomaaliya iyo Afgaanistaan  ay ku dhamaadeen gacanta argagixiso ama maleyshiyaad".

Reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ah deeq-bixiyeyaasha ugu weyn ee Soomaaliya ka taageera dhanka la dagaalanka argagixisadda gaar ahaan maleyshiyadda Al-Shabaab.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxay howlgaladda ay fulinayaan ay ku geystaan saanad ciidan oo milatariga dowladda Soomaaliya leeyahay oo ay ka furteen ama ay siyaabo kale ku heleen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM