Shiinaha oo ka mamnuucay Carruurta inay Habeenkii isticmaalaan Internet-ka

Image

BEIJING - Dadka Shiinaha ee da'doodu ka yar tahay 18-ka sano ayaa dhawaan laga mamnuuci doonaa inay habeenkii isticmaalaan internet-ka, lagaa billaa 4 saac Habeenkii illaa 6-da Subaxnimo, sida uu dhigayo sharci cusub oo Arbacadii maanta ah la soo bandhigay.

Sharcigan oo la filayo inuu dhaqan galo bisha Sebtembar labadeeda, ayaa dhigaya in qof kasta oo aan qaan-gaarin laga mamnuuco isticmaalka internetka inta u dhaxaysa saacadaha tobanka fiidnimo ilaa lixda subaxnimo.

Sidoo kale, sharciga ayaa qeexaya in taleefan walba lagu soo dajiyo nidaam lagal]a soconayo waqtiga maalinlaha ah ee ay carruurta da'doodu yar tahay ay isticmaalayaan talefannada casriga ah.

Kuwa da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 17 waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan internetka muddo laba saacadood ah maalintii, marka la barbardhigo 40 daqiiqo oo loo xadiday carruurta yar.

Sida laga soo xigtay Hay’ada Maamulka Hawada Electarooniga ah ee Shiinaha, tillaabooyinkan cusub ayaa qeyb ka qaadanaya abuurista jawi caafimaad leh oo loogu talagalay carruurta aan qaan-gaarin.

ٍSharcigaan ayaa imaanaya ka dib tallaabooyin kale oo ay qaadeen mas'uuliyiinta Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu xaddiday isticmaalka carruurta yaryar ee internetka.

Tan iyo 2021, marwalba waxaa la sii yareynaayey wakhtiga maalinlaha ah ay carruurtu ku qaadan karaan khadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM