Shiinaha oo shaaciyay tallaabo aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka

Image

Beijing — Shiinaha ayaa Talaadada maanta ah shaaciyay in uu canshuur 15 boqolkiiba ku soo rogi doono dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee uu kala soo dego dalka Maraykanka, kaddib markii Washington ay canshuur 10 boqolkiiba oo dheeraad ah saartay badeecooyin Shiinaha laga soo dhoofiyo.

Wasaaradda Maaliyadda ee Beijing ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in 10 boqolkiiba canshuur ay dul dhigi doonto shidaalka cayriin, mishiinnada beeraha, baabuurta xamuulka fudud (pickup trucks), iyo gawaarida waaweyn sida kuwa isboortiga, ee uu dalka Shiinaha ka soo degsado Maraykanka.

Canshuuraha cusub ayaa jawaab u ah “tallaabada canshuur kordhinta ee dhinac kaliya ah” ee uu Maraykanku qaaday dhammaadkii toddobaadkii hore, ayey tiri Beijing.

Tallaabadaasi, ayey ku dartay, “waxay si bareer ah u jebineysaa xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka, waxna kama tareyso xallinta dhibaatooyinka u gaarka ah Maraykanka, waxayna carqaladeyneysaa iskaashiga caadiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.”

Canshuuraha ay soo rogtay Beijing ayaa dhaqan galaya Isniinta soo socota, ayey tiri Wasaaradda Maaliyadda.

Maraykanka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tallaabooyin ballaaran oo ka dhan ah dalalka waaweyn ee ay ganacsiga wadaagaan, iyadoo badeecooyinka Shiinaha laga doonayo 10 boqolkiiba canshuur dheeri ah oo lagu daray tii horay u saarnayd.

Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo looga dan leeyahay in lagu ciqaabo dalalka ku guul darraystay inay joojiyaan qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo daroogada, oo ay ka mid tahay fentanyl, ee soo gelaya gudaha Maraykanka.

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM