Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Image

Beijing, 4 Sebtembar 2025 – Dowladda Shiinaha ayaa maanta qabatay dhoolatus milatari oo ballaaran, kaasi oo lagu soo bandhigay awoodda ciidamadeeda qalabka sida, una muuqatay fariin cad oo ku socota dunida inteeda kale, xilli ay isa soo tarayaan xiisadaha gobolka Aasiya-Pasifika.

Dhoolatuska oo ka dhacay magaalada Beijing, gaar ahaan fagaaraha weyn ee Tiananmen, ayaa waxaa ka qeyb galay kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada dhulka, cirka, iyo badda, iyadoo la soo bandhigay qalab casri ah sida gantaallada riddada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone), iyo hubka casriga ah ee teknolojiyad sare leh.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in Shiinaha uu doonayo nabad iyo wada noolaansho, balse aysan ka leexan doonin difaaca madaxbannaanida dhuleed iyo danaha qaran.

"Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka," ayuu yiri Madaxweyne Xi.

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan xiisado sii xoogeysanaya oo u dhaxeeya Shiinaha iyo dalal kale oo deris la ah, gaar ahaan arrimaha Taiwan, Badda Koonfureed ee Shiinaha, iyo tartanka saameynta militari ee gobolka.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in dhoolatuska uu yahay mid ujeedkiisu yahay in lagu muujiyo awoodda sii kordheysa ee Shiinaha, iyagoo ugu baaqay Beijing inay ka shaqeyso xasilloonida gobolka halkii laga abuuri lahaa cabsi militari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM