Shiinaha oo ka hadlay buufinka lagu arkey hawada Mareykanka

Image

BEIJING, China - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa muujisay sida ay uga xun tahay waxa ay ugu yeertay buufin rayid ah oo ku soo dhacay hawada Mareykanka, taas oo keentay in dib loo dhigo booqasho la qorsheeyay oo diblomaasiga ugu sarreeya Washington uu ku tagi lahaa Beijing.

Bayaan ay soo saartay Jimcihii, ayay wasaaraddu ku sheegtay in buufinkaan uu Maraykanku uga shakisan yahay in uu samaynayo ilaalo uu ahaa "diyaarad" rayid ah oo loo isticmaalo cilmi-baadhisyo, gaar ahaan ujeedooyinka saadaasha hawada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in markabkan uu leeyahay awood xaddidan oo hagitaan ah "oo uu ka leexday koorsadii loo qorsheeyay" dabaylo darteed.

Pentagon-ka ayaa mar sii horreysay sheegay in ay "la socdaan buufin kaga jira hawada meelsare kaas sirdoon ah". Waxa ay go’aansatay in aan la ridin buufinkaan oo laga yaabo in ay ku dul heehaabo goobo xasaasi ah,sabato ah walaac laga qabo in la waxyeeleeyo dadka dhulka jooga.

Warbixin laga soo xigtay Aqalka Cad ee Washington, DC, Kimberly Halkett oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegey in buufinkaan markii ugu horreysay ay arkeen dad ku sugnaa gobolka Montana.

“Waxa arkay dad dhulka jooga oo yaaban waxa cirka ku jira. Taasi waa sida ay dawladda Maraykanku markii ugu horreysay arrintan ku ogaatey , wax cajiib ah,” ayay tidhi. "Markaas ayay ahayd markii dawladda Maraykanku ay bilowday dabaglakiisa."

"Waxaa jiri doona jawaabo ku saabsan sababta ay markii hore u arkayeen dad goob joog ah oo aan ahayn militariga ama dowladda Mareykanka," ayuu raaciyay Halkett.

Safarka Beijing

Maamulka Biden ayaa goor dambe oo jimco ah ku dhawaaqay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, oo la filayey inuu booqashadiisa ugu horreysa ku tago Beijing usbuucan, uu dib u dhigi doono safarka waxa Washington ugu yeertay dhacdadii buufinka sababtey talabdanaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, oo la hadlay warfidiyeenada oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in "iney ku soo beegantey xaalad aan sax ahayn" booqashadaan, oo la filayay inay bilaabato Axadda.

Blinken wuxuu noqon lahaa xubinta ugu saraysa ee maamulka Madaxweyne Joe Biden ee u socdaala Shiinaha, isaga oo ujeedkiisu yahay inuu yareeyo hoos u dhaca weyn ee xiriirka ka dhexeeya wadamadaan iyada oo uu jiro muran ganacsi iyo walaac ku saabsan mowqifka sii kordhaya ee Beijing ee ku wajahan Taiwan iyo Badda Koonfurta Shiinaha. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM