Shil diyaaradeed oo hakad geliyey shaqadii garoonka Jomo Kenyatta

Image

January 4, 2015 (GO)- Shil diyaaradeed oo gelinkii hore ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta oo ku yaalla caasimada Kenya ee Nairobi ayaa sababay in muddo saacado ah hawlihii garoonkaas hakad la geliyo.

Duulimaadyo badan ayaa la weeciyey qaar kale waa la hakiyey kadib markii diyaarad yar oo ka soo duushay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ku burburtay bartamaha dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Diyaarada shilka gashay oo lix qof la socdeen cillad ayaa lasoo deristey xilligii ay soo degeysey mana jirto cid shilkaas ku geeriyootey marka laga reebo dhaawacyo fudud oo soo gaarey qaar kamid ah rakaabka.

Garoonka Jomo Kenyatta waa gegida diyaaradeed ee ugu mashquulka badan guud ahaan garoomada ku yaalla qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM