Shilin ku qiimo ah $1 milyan oo loo celiyey dal laga xadey

Image
Tani aaa natiijadda shaqo-baariseed oo qaarado la isaga kala gudbay ku dhowaad 20-sano ah.

TEL AVIV, Israel - Ku dhawaad ​​20 sano oo shaqo baariseed ah iyo saan-raacid la isaga kala gudbay qaarado ayay qaadatay ka hor inta aan lasoo xirin kiiska hal xabo shilin oo ku fadhiya $1 milyan oo la waysanaa.

"Qaybo yar oo taariikhi ah oo aad loo jeclaa ayaa ugu dambayntii ku laabanaysa hoygeeda," ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay helitaanka shilinkan.

Qayb ka mid ah taariikhdaas waa lacag yar oo qalin ah balse uu milyineer noqonaayo qofkii hela, waxaana la sameeyay intii lagu jiray kacdoonkii Yuhuudda ku dhawaad ​​2,000 oo sano ka hor.

Gudaha Israa’iil ayaa lagu bilaliqeystay sanadkii 2002-dii. Balse, aakhirka qofkii qaatay oo lagu raad-joogay waa la qabtay, waxaana lagu celinayaa halkii ay marka hore ka timid oo ah Yahuuda.

Sheekada ayaa bilaabatay markii Hay'adda waxyaabaha qadiimiga ah ee Israa'iil (IAA) ay ka war heshay dadka xog ogaal u ah in lacagtaas ay Falastiiniyiintu ka qaateen kayd laga soo saaray dooxada Ella ee koonfurta magaalada Qudus.

IAA ayaa qadiyadan ku war-gelisay Baarista Amniga Gudaha ee Mareykanka (HSI), ka dibna waxayna la wareegtay maamulka lacagta taasoo aakhirkii dib ay u wareejisay Isniintii shalay ahayd.

Shilinkan qalinka ah, oo lagu xardhay astaamaha dhaqanka Yuhuuda, waa mid ka mid ah afar nooc oo keliya oo la og yahay inay jiraan. IAA waxay sheegtay in la sameeyay 69 AD - sannadkii afraad ee Kacdoonka Wayn.

Kacdoonkii ayaa taariikhdu waxay sheegeysaa in dadweynaha Yuhuuda ay kaga soo horjeedeen xukunkii Roomaanka, kuwaas oo soo afjaray xornimada Yuhuuda qarni ka hor.

Sidda ku xusan sufxadaha taariikhda, kacdoonka ayaa wuxuu ku dhammaaday burburintii Roomaanka ee Yeruusaalem iyo macbadkii labaad ee Yuhuudda ee sanadka markii uu ahaa 70 AD.

Ma jiraan illo si madax-banaan u xaqiijin karta khasaaraha guud ee ka dhashay kacdoonkan. Hase ahaatee, tirooyin qiyaas ah ayaa muujinaya in ay ku naf-waayeen inta u dhaxeysa boqolaal kun illaa in ka badan hal milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM