Shir dhexmaray Wasiirada Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah

Image
SAWIR HORE

JEDDAH, Sacuudiga - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Hossein Amir Abdollahian, ayaa xaqiijiyay in uu wadahadal hufan, daahfuran oo miro dhal ah uu Jimcihii kula yeeshay magaalada Jeddah dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan.

Waana booqashadiisa ugu horreysay oo Boqortooyada Sacuudiga ku tago tan iyo markii uu dib u soo laabtay xiriirka labada dal bishii March ee la soo dhaafay.

Amir Abdollahian, oo khamiistii booqasho hal maalin ah uga bilaabatay Sacuudiga, waxa uu bartiisa “X” ku qoray in kulanka socday 90-daqiiqo lagu lafa guray arrimaha gobolka.

“Dariiqa ay wadamada gobolku guul ku gaaray karaan waa in la xoojiyo wada-hadallada iyo iskaashiga ku jihaysan horumarka," ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan oo uu soo xigtay Abdollahian.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ayaa dhankeeda sheegtay in wasiirka Iiraan oo u soo bandhigay dhaxal-sugaha Sacuudiga fursadaha mustaqbalka ee hor yaala xiriirka labada dal iyo siyaabaha lagu horumarin karo.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee “IRNA” ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo Sarkaal sare ka so jeeda Iiraan uu la kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyadh, ayuu Amir Abdollahian ku xaqiijiyay in xiriirka Sacuudiga iyo Iiraan uu marayo wadada saxda ah.

Wuxuuna soo jeediyay fikrad ah in wada-shaqeyn heer gobol ah oo uu la yeesho dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dheer.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kulanka uu la qaatay Bin Farxaan uu noqon doono mid horudhac u ah kulanka madaxda labada dal, isagoo aan cayimin xilliga ay booqashadaas imaan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM