Shir looga hadlay xaalada Falastiin oo ka dhacay dalka Sacuudiga

Image

RIYAAD-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa xaqiijiyay diidmada aan mugdi ku jirin ee Boqortooyada Sacuudiga iyo cambaareynta dagaalka xaq darada ah ee Israel ay ku hayso Falastiin.

Amiir Maxamed waxa uu ku tilmaamay "masiibo bini'aadantinimo oo daaha ka qaaday guul-darrooyinka Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka si ay u xakameeyaan xadgudubyada cad ee Israa'iil."

Wuxuu ku celceliyay baaqa ah in si deg deg ah loo joojiyo howlgalada ciidamada, lana sameeyo jidad bini’aadantinimo oo lagu samata bixiyo dadka rayidka ah.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa hadaladiisa jeediyay isagoo guddoominaya oo furaya shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka ee ka dhacaya Riyadh Sabtida maanta ah.

 

GAROWEONLINE.

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM