Shir saddex Geesood ah oo Masar ka furmay

Image
SAWIR HORE

CAIRO - Magaalada Calamiin oo dhacda waqooyi galbeed ee dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah shir ku dhex maraya madaxda Dalalka Masar, Urdun iyo Falastiin.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa madaxtooyada ku qaabilay Boqorka Urdun, Cabdulaahi Bin Xuseyn iyo Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abuu Maazin.

Safiirka Falastiin ee Masar ayaa sheegay in shirka looga tashanayo Arimaha caalamka iyo si gaar ah xaaladaha gobalka ee isbed-bedalaya.

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri: "si gaar ah sidii arinta Falastiin mawqif midaysan looga yeelan lahaa ayay wadamadu ka arinsanayaan in Falastiiniyiintu yeeshaan dowlad madax banaan oo caasimadeedu tahay bariga magaalada barakaysan ee Qudus".

Shirarkaan ayaa imaanaya xilli ay isu soo dhawaanayaan wadamada gobalka oo awal ay muddo kala geysay xurguftii khaliijka ee qaraxday 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM