Shirka wadamada Carabta & Islaamka oo maanta ka furmi doono Riyadh

Image

RIYADH (GO) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in ay martigelin doonaan shir wadajir ah oo ay ka soo qeyb galayaan dalalka Carabta iyo Islaamka oo sabtida ka dhici doona magaalada Riyadh.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in dalka Sacuudiga uu ka furmo labo shir madaxeed oo aan caadi ahayn oo kala ah: Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka uu ku yimid "iyaga oo ka jawaabaya duruufaha gaarka ah ee ka dhacaya Qasa."

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid ka dib markii Boqortooyada ay la tashatay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM