Sidee buu Qur’aanka Kariimka u saameeyay xiddigii Hollywood Will Smith?

Image
Smith ayaa sheegay in uu akhriyay dhammaan Qur’aanka kariimka ah intii lagu jiray bisha Ramadaan.

Washington (GO) - Xiddiga Hollywood Will Smith ayaa marti ku ahaa barnaamijka wariye Amr Adeeb ee “Big Time Podcast”, oo lagu falanqeeyay mowduucyo xiiso badan oo taabanaysa dhinacyo badan ee nolosha xiddiga.

Waxyaabaha yaabka leh ee uu Smith shaaca ka qaaday waxaa ka mid ah in uu akhriyay dhammaan Qur’aanka kariimka ah intii lagu jiray bisha Ramadaan.

Smith ayaa xusay in labadii sano ee ugu dambeeyay noloshiisa caqabado kala duwan wajahay, taas oo ku kalifay inuu ka fekero arrimaha diinta la xariira. Waxa uu tilmaamay in muddadaas uu akhriyay dhammaan kutubta diiniga ah oo uu ku jiro Qur’aanka kariimka ah.

Will Smith waxa kale uu ka hadlay waxyaabha aadka u soo jiitay inta uu akhrinayay Qur’aanka sida qisadii Nabi Muuse (CS).

Mar wax laga weydiiyey waxa uga baxay akhrinta Qur’aanka, xiddiga Hollywood ayaa sheegay inuu la yaabay tirada jeer ee Nebi Muuse (CS) lagu sheegay Qur’aanka, isagoo carabka ku adkeeyay in nolosheysa iyo waayo-aragnimadiisa ay si weyn u saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM