Sidee Itoobiya iyo TPLF uga badbaadi karaan cunaqabateyn?

Image

WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa ku boorineysa dowladda Itoobiya, jabhadda TPLF, iyo kooxaha kale ee dagaallamaya inay soo afjaraan colaadda ka taagan gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro malaayiin dad ah oou baahan gargaarkaas.

Haddii khilaafku joogsan waayo, ayay dowladda Mareykanku sheegtay in mas'uuliyiinta muhiimka ah ee dowladda iyo TPLF ay la kulmi karaan cunaqabatayn xagga socdaalka iyo maaliyadda Mareykanka ah.

Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso in la soo afjaro colaadda 10-ka bilood ka socotay Tigray.

“Haddii dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ay qaadaan tillaabooyin macno leh si ay u galaan wadahadalada xabbad-joojinta, ayna oggolaadaan howlaha gargaarka bani’aadamnimo oo aan carqalad lahayn, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto abaabulidda kaalmada Itoobiya, si ay uga soo kabato, dib u soo noolayso dhaqaalaheedii."

"Tallaabooyinkaas macnaha leh waxaa ka mid ah in la aqbalo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika, oggolaanshaha wada-xaajoodka, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, iyo in la aqbalo martiqaadka wadahadallada bilowga ah, ”ayuu yiri Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt.

Hunter, wuxuu sheegay in dhammaan dadaalladii kale ee lagu cadaadin lahaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo sidii si nabad ah loogu dhammeyn lahaa dagaalkan ay fashilmeen, taasina ay keentay hanjabaada cunaqabateynta ee uu saxiixay madaxweyne Joe Biden Jimcihii.

Ciidammada Itoobiya ayaa gudaha u galay gobolka Tigreega bishii November ee la soo dhaafay, kadib bilooyin ay socdeen xiisad u dhaxaysay xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed iyo xisbiga haya talada Tigreegaa ee TPLF. Xudunta colaadan daba-dheeraatay waa is-qabqabsi xoogan oo ka dhashay doorashada.

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM