Sidee Madaxweynaha Koonfur Afrika uga falceliyay go'aankii ICJ?

Image
Madaxweyne Ramaphosa ayaa bogaadiyay go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda.

Cape Town (GO) - Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa Jimcihii bogaadiyay go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Israa'iil ugu soo rogtay tallaabooyin deg-deg ah oo ku saabsan dagaalka Gaza, isagoo sheegay inuu ka filayo Israa'iil inay u hoggaansanto xukunka.

Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaado dhammaan tillaabooyinka laga maarmaanka ah ee looga hortagayo dambiyada dagaal, oo ka mid ah in dambi laga dhigo hadallada iyo falalka kicinta ah, iyo in ay qaadaan tillaabooyin lagu hagaajinayo xaaladda bini’aadantinimo ee marinka Qasa.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamaddu kuma baaqin xabbad-joojin, mana xaqiijin in gardarrada ka socota Qasa ay gaareyso xasuuq, waxaana laga yaabaa inay qaadato sannado badan si ay u soo saarto xukunkan.

Ramaphosa ayaa ku yiri khudbad uu u jeediyay Shacabka Koonfur Afrika, isaga oo tixraacayo xadgudubyada ay nidaamkii midab-takoorka u geysteen dadka madow ee Koonfur Afrika:

"Haddii aan nahay Koonfur Afrika daawadayaal ma noqon doono xilli dambiyada nalaga geystay meelo kale laga gaysanaayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM