Sidee uga falcelisay Masar heshiiska ay wada gaareen Israa’iil iyo XMS?

Image

CAIRO (GO) - Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas.

Al-Sisi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dhexdhexaadinta Masar-Qatar-Maraykanka ee heshiis xabbad-joojin bini’aadantinimo lagu fulineyo Qasa.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay sii wadida dadaalka Masar ee lagu doonayo in lagu gaaro xal waara iyo dammaanad qaadka xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta."

Israa’iil iyo Xamaas ayaa maanta gaaray heshiis lagu sii dayn doono 50 haween iyo caruur u dhashay dalka Israa’iil muddo afar maalmood gudahood, muddadaas oo dagaalku uu joogsan doono, sida ay sheegtay Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM