Singapore: Nin loo daldalay ka ganacsiga hal kiilo-garaam xashiish ah

Image
Qoyska Tangaraju iyo taageereyaashiisa ayaa ku dooday in 46-jirka aan la siin lataliye sharci oo ku filan.

SINGAPORE CITY, Singapore - Singapore ayaa daldashay Tangaraju Suppiah oo 46 jir ah kaasoo 2018 lagu helay in uu ka ganacsanayay in ka badan hal kiilo-garaam oo xashiishad ah, inkastoo daqiiqadihii ugu dambeeyay kahor inta aan lagu fulin xukunka ay codsadeen qoyskiisa iyo dadka u ololeeya in loo naxariisto.

Qoyskiisa ayaa sheegay in la siiyay shahaadada dhimashada Tangaraju, sida uu Twitter-ka ku soo qoray Kirsten Han oo u ol’olaysa soo afjarida ciqaabta dilka toogashadda ah.

Afhayeen u hadlay waaxda xabsiyada ee dalkaasi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xukunka lagu fuliyay xabsiga Changi ee bariga dalkan jasiiradda ah.

Tangaraju Suppiah ayaa lagu xukumay dil sanadii 2018-kii kadib markii lagu helay isku dayga ka ganacsiga in ka badan 1kg oo xashiishad ah. Garsooraha ayaa helay in uu isticmaalayey nambar taleefoon oo uu kula xiriirinayay dadka wax tahriibiya oo isku dayay in ay daroogada u soo galiyaan Singapore.

Qoyska Tangaraju iyo taageereyaashiisa ayaa ku dooday in 46-jirka aan la siin lataliye sharci oo ku filan iyo in loo diiday inuu helo turjumaan Tamil ah markii ay boolisku su'aalo weydiinayeen.

Ku xigeenka madaxa Human Rights Watch (HRW) ee Asia, Phil Robertson, ayaa ka xumaaday dilka wuxuuna sheegay in cadaymaha ka dhanka ah Tangaraju ay ahaayeen kuwo aad uga fog  xaqiiqada.

Robertson ayaa tibaaxay booliiska ay Suppiah su'aalo waydiiyay qareen la'aan. "Waxaa loo diiday la kulmaan galaan Tarjumaan Tamili ah markii uu codsaday," ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Amnesty International ayaa ku tilmaantay toogashada mid "sharci darro ah" waxayna sheegtay in dacwadaha ay "ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah iyo heerarka". Xukunka dilka ah ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca Singapore muddo lix bilood ah kadib markii ay fulisay 11 xukun dil ah sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM