Singapore oo guul taariikhi ah kasoo hoyday ciribtirka Covid19

Image
Singapore ayaa waxay soo sheegtay 113 caabuq oo cusub Sabtiddii.

SINGAPORE, Singapore - Singapore ayaa waxay si buuxda u tallaashay 80 boqolkiiba 5.7 milyan ruux ee ku nool dalkaas kuwaasoo u nuglaa COVID-19, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

Talaabadan waxay dalkan ka dhigaysaa waddanka illaa haatan talaalay dadka ugu badan guud ahaan caalamka waxaana lagu sifeeyay in ay tahay guul taariikhi ah oo dalkan u soo hooyatay.

Wasiirka Caafimaadka ee Singapore Ong Ye Kung ayaa ku sheegay bartiisa Facebook Axadii "Waxaan ka gudubnay marxalad kale, halkaas oo 80% dadkeenna ay heleen laba goojo".

"Waxay la macno tahay in Singapore ay qaaday tallaabo kale oo hore loogu qaadayo sidii aan nafteena ugu adkaysan lahayn COVID-19," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Dhacdadan soo korortay ayaa sidoo kale dalkan yar waxay ka dhigaysaa waddanka mudada ugu yar ku dhameystiray hanaanka talaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dalalka kale ee leh tallaalka aadka u sarreeya waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Uruguay iyo Chile, kuwaas oo si buuxda u tallaalay in ka badan 70 boqolkiiba dadkooda.

Singapore, oo ololaheeda tallaalka billowday bishii Janaayo, ayaa waxay inta badan ku tiirsanayd wax soo saarka shirkadaha caalamiga ah ee Pfizer-BioNTech iyo Moderna.

Singapore ayaa waxaa la sheegay in ay diiwaangelisay wadar ahaan 67,171 xaaladood iyo 55 dhimasho tan iyo markii masiibada bilaabatay. Waxay soo sheegtay 113 caabuq oo cusub Sabtiddii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM