Sirdoonka Faransiiska oo ku eedayay Xamaas weerarka Isbitaalka Al-Ahli

Image

PARIS - Hay’adda Sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay in Qaraxa ka dhacay Isbitaal ku yaalla Qasa uusan ahayn mid ka dhashay Gantaal ay Israa’iil ku ridday balse ay u badan tahay inuu ka dhashay gantaal ay si khaladan u rideen Falastiiniyiintu.

Agaasinka sirdoonka milatariga Faransiiska ayaa intaas ku daray, "Ma jirto wax cadeynaya in Israa'iil ay ka dambeysay weerarka, laakiin waxay u badan tahay inuu ahaa gantaal Falastiini ah oo si khaldan loo riday”.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka militariga Faransiiska ayaa sidoo kale yiri, "Qaraxa nooca uu ahaa ayaa ku ogaaday in aysan jirin wax cadeynaya in Israa’iil ay fulisay weerarka".

Agaasinka ayaa go'aansaday inuu daabaco Baaritaanka ka dib codsi ka yimid madaxtooyada Faransiiska si loo xaqiijiyo hufnaanta, sida ay hadalk u dhigeen.

Ma’uuliin Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in 471 qof ay ku dhinteen weerarka lala beegsaday Isbitaalka Al-Ahli dabayaaqadii Talaadadii, halka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ay ku eedaysay weerarkan duqayn cirka ah oo ay Israa'iil geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM