Siyaasada dibada Mareykana oo wajahdey "bahdilkii ugu xumaa"

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Joe Biden ku dhaliilay sida uu u maareeyay ka bixitaankii Afgaanistaan ​​kuna qeexay "bahdilkii ugu weynaa taariikhda siyaasad arrimaha dibedda Mareykanka".

Isagoo ka hadlaayay isu soo baxa taageerayaashiisa, Trump ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Biden inuu ka dambeeyay qabsashadii Taliban ee Afghanistan muddo 20-sano ah kadib.

"Bixitaanka Biden ee Afgaanistaan ​​waa muujinta ugu yaabka badan ee karti darrada guud ee hoggaamiye qaran, laga yaabee waqti kasta," ayuu yiri Trump oo maamulkiisa uu saxiixay heshiiska nabadda Taliban.

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka waxaa ka wada xaajooday maamulka Trump heshiis uu la galay Taalibaan bishii Febraayo 2020. Heshiiska wuxuu xeerinayaa in ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada la ah ay ka baxaan Afghanistan May 2021.

Sidoo kale, wuxuu heshiisku tibaaxayaa in Taliban ay tahay inay qaado tillaabooyin looga hortagayo kooxaha ay ku jiraan Al-Qaacida inay halis geliyaan amniga Mareykanka iyo xulafadiisa.

Markii la doortay, Madaxweyne Biden oo Trump kaga adkaadey doorasho aad loogu xifaaltamay ayaa karaar-siiyey qorshihii ka bixitaanka balse wuxuu u muddeeyay dhammaadka 31-da Ogosto.

Trump ayaa ku eedeeyay xaaladda Afgaanistaan ​​Biden inuusan raacin qorshihii maamulkiisa, isagoo intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ee dalka ka baxaya aysan ahayn "ka bixitaan" ee ay tahay "is-dhiibid guud".

Biden ayaa sheegay inuu "si cad" u garab taaganyahay ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan, iyo inuu dhaxlay heshiis ka bixitaan xun oo uu qalinka ku duugay Donald Trump oo haatan u muuqanaya mid falaarta kulul dhinac kale isaga leexinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM