Siyaasi YouTuber ah oo loo xiray in uu handaday dad caan ah

Image
Yoshikazu Higashitani oo si lamid ah Xildhibaan hore ayaa magac ku yeeshay faafinta wararka ku-tiri-kuteynta ah.

TOKYO, Japan - Booliiska dalka Japan ayaa xabsi u taxaabay siyaasi YouTuber ah ahna xildhibaan hore, kadib markii lagu eedeeyay in uu u hanjabay shaqsiyaad caan ah, sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga.

Yoshikazu Higashitani, oo YouTube-ka looga yaqaan magaca GaaSyy, ayaa wuxuu caan ku yahay in uu faafiyo warbixino muuqaalo ah oo ku saabsan wararka xanta ee khuseeya dadka magaca leh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in uu ku laabtay Japan isagoo ka yimid Imaaraadka, laba bilood ka dib markii booliiska Tokyo ay soo saareen amar qabasho.

Higashitani ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa lagu eedeeyay inuu u hanjabay jilaa, ganacsade iyo naqshadeeyaha intii u dhaxeysay Febraayo iyo Agoosto ee sannadkii hore.

Sidda laga soo xigtey warfidiyeenadda aadka loo akhristo ee gudaha Japan, GaaSyy ayaa waxaa sidoo kale looga shakisan yahay inuu caqabad ku yahay dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee naqshadeeyaha.

Mr Higashitani oo aan la baahin magacyada dadka uu handaday ayaa marar badan iska dhega tiray codsiyo ahaa in uu ku laabto Japan oo uu si iskii ah isugu gudbiyo su'aalo ay booliiska weydiinayaan.

Booliiska Tokyo ayaa baarayaal u dirayay Imaaraadka tan iyo bishii May ee sanadkan 2023-ka, waxayna ku boorinayeen mas'uuliyiinta halkaas ku sugan inay u gacan geliyaan Japan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Japan ayaa ku amray inuu soo celiyo baasaboorkiisa kadib markii booliska Tokyo ay heleen amarkii lagu soo xiray bishii March, laakiin Mr Higashitani wuxuu sheegay inuu lumin doono baasaboorkiisa. Baasaboorkiisu waxa uu dhacay bishii xigtay.

Horaantii sanadkan, Yoshikazu Higashitani, ayaa waxa uu noqday xildhibaankii ugu horeeyay taariikhda Japan ee laga eryo baarlamaanka isagoo aan waligeed soo xaadirin hal kal-fadhi.

Mr Higashitani ayaa waxa uu kamid ahaa laba xubnood oo laga soo doortay xisbiga Seijika-joshi-48 – oo ah xisbi si weyn ugu ololeeya in dib u habayn lagu sameeyo warbaahinta guud ee Japan.

Muddadii todobada bilood ahayd ee uu xafiiska joogay, shakhsigan baraha bulshada saameynta ku leh ayaa diiday in uu ka baxo gurigiisa oo ku yaala magaalada Dubai, mana uusan ka qaybgalin hal kulan oo sharci-dejin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM