Soomaali qiratay in ay ku biirayeen ISIL oo la musaafurinayo

Image
Qorshahooda ayaa ahaa in ay safari bilaabaan dabayaaqadii 2018 balse waxaa la xiray bishii Luulyo 26, 2019.

WASHINGTON, USA - Laba muwaadin oo Somalia ah, kuna nool magaalada Tucson gobolka Arizona ee Mareykanka, ayaa qirtay dambi ah in ay taageero maaliyadeed iyo agab u fidiyaan kooxda ISIL.

Labadan ruux ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen, oo 25 jir ah.

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Arizona, labadan ruux ayaa ku heshiiyay inay u safraan Masar si ay uga garab-dagaalamaan Daacish gacanka Siinaay.

Qorshahooda ayaa ahaa in ay safari bilaabaan dabayaaqadii 2018 balse waxaa la xiray bishii Luulyo 26, 2019.

Xeer-Ilaaliyaha Degmada Arizona ayaa carabka ku adkeeyay in xukunka labada ruux oo diyaarada lagala soo tagay uu noqon doono in laga saaro guud ahaan dalka Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kuras oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ee qaarkood ka dagaalamo Soomaaliya lana soo tarxiilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM