Soomaali sharaxay qaabka ay uga baxsadeen colaada Ukraine

Image
Mustafa Maxamed oo kasoo jeeda magaalada Hargeysa ayaa magangalyo ka helay waddanka Poland.

ANKARA, Turkey - Mustafa Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa telefishinka reer Qadar ee Aljazeera u sheegay in uu magangalyo ka helay dalka Poland kadib markii uu kasoo baxsadey duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Ka dib 10 sano oo uu ku sugnaa Ukraine, wuxuu wuxuu kasoo cararay Vinnytsia markii qarax ka dhacay magaalada, oo ku taal galbeedka-badhtamaha Ukraine, una jihaystay dhanka xadka.

Intii uu jidka sii socday, waxa uu dhib iyo quus kala kulmay dadkii faraha badnaa ee isku dayayey in ay helaan meel kale oo ay ku badbaadaan wuxuu dib u xasuustey rafaadka uu maray.

"Waxaa jira arday badan oo Soomaali ah oo qaarkood ka yimid Soomaaliya iyo Soomaali kale oo ka yimid dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, UK, Sweden iyo Finland," ayuu xusay.

Isaga soo ii hadlaya ayuu tibaaxay: "Inta badan waxay bartaan caafimaadka. Kuwii wata Baasaboorka Reer Galbeedka waxaa ka qaadey Safaaradahooda ka hor inta uusan dagaalku bilaaban".

Wuxuu ku daray: "Kuweena baasaboorka Soomaaliga sita ayaa iska joognay, waayo meel aan aadno ayaanan haysan. Maalintii Khamiista, waannu isu nimid, waxaanan go'aansannay inaan baxno sababtoo ah ma jirin ammaan".

"Guud ahaan, waxaan ahayn 88 qof. Waxaan tagnay Jimcihii. Waxaan haweenka iyo kuwa aan ku hadli karin luqadda saarnay baska marka horreeysa sababo ammaan dartood, sababtoo ah haddii wax qaldamaan, ugu yaraan kuwa naga mid ah ee ku hadli kara luuqadda Yukreeniyaan ayaa sii noolaan kara waqti dheer," ayuu ka shanqariyey.

Mulkiileyaasha baska ayuu xaqiijiyey in ay ku kordhiyeen qiimaha baska. "Dabadeed intayadii kale ayaanu labadii bas ee kale dhex galnay, waxaanu u soo dhaqaaqnay dhinaca xuduudka," ayuu carabka ku adkeeyay.

Mustaf wuxuu kasoo jeedaa Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa. Wuxuu sheegay in ciidamadda xuduudka Poland ay si wanaagsan ula macaamileen balse ay dhibaato ba'an kala kulmeen qabowga badan ee jira.

"Habeenkii, qabowgu wuu sii kordhayaa. Qabowga dartiisa waxaan gubnay qaar ka mid ah dharkii iyo bacahayadii aan wadanay si aan ugu diirimaadsano. Wax kale oo aanu dab ka shidin maanu haysan," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM