Soomaaliya oo qeyb ka ah kulan xaaladda Afghanistan looga hadlayo

Image

Waddamada Muslimka ah ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii kordhaya ee ka jira dalka Afgaanistaan, xilli dalka ay deriska yihiin ee Pakistan uu Axadii ka furmay shir aan caadi ahayn oo uu yeelanayo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid ayaa ka qeybgalaya shirka arrimaha Afghanistan ku saabsan, kaasoo noqonaya mid kusoo beegmay xili Taliban dalkaasi xukunto.

Xaaladda degdegta ah ee Afgaanistaan, oo malaayiin ay wajahayaan gaajo xilligan qaboobaha, ayaa sababtay qeylo dhaan isa soo tareysa, laakiin beesha caalamka ayaa ku dhibtootooneysa jawaab wadajir ah oo ay ka bixiso xaaladda bini'aadaminimo, iyadoo reer galbeedku ay ka caga jiidayaan inay caawiyaan xukuumadda Taalibaan, oo xukunka la wareegtay bishii Ogosto.

"Haddii aan tillaabo degdeg ah la qaadin, Afgaanistan waxay ku wajahan tahay fowdo," ayuu Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ku yiri khudbaddiisii furitaanka, isagoo intaas ku daray in ay dhici karto in qalalaase qoxooti iyo rabshado kale oo ay geystaan Daacish ay ka dhalan karo dhibaataad gaajada.

"Fowdadu cidna kuma habboona," ayuu sii raaciyay. Khan ayaa ugu baaqay reer Galbeedka inay kala saaraan xukunka Taalibaan 40-ka milyan ee reer Afghanistan.

Kulanka oo laba maalmood ka socda Islamabad ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, iyo sidoo kale quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Mareykanka, Midowga Yurub iyo Japan.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Taliban, Amir Khan Muttaqi ayaa sheegay in dowladda cusub ay soo celisay nabadda iyo ammaanka, ayna wax badan ka qabatay dalabaadka dowlad loo dhan yahay ee ixtiraamka xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka.

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM