Soomaaliya : Trump oo biyo qabow ku shubay tallaabadii Netanyahu ku aqoonsaday Somaliland
WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan si degdeg ah ula qaadan doonin go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, isagoo xusay in arrintu weli u baahan tahay “daraasad iyo qiimeyn qoto dheer.”
Hadal uu siiyay warbaahinta Mareykanka, Trump wuxuu tilmaamay in uu ka warqabo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Mareykanku raaco tallaabada Tel Aviv, balse uu ka taxaddarayo arrin uu ku tilmaamay mid siyaasiyan iyo juqraafi ahaanba adag.
Israa’iil ayaa Jimcihii noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, iyadoo Netanyahu uu ballan qaaday in uu arrintan si toos ah ugu gudbin doono Trump kulankooda la filayo toddobaadka soo socda. Netanyahu ayaa sidoo kale u sheegay Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi in Israa’iil ay taageereyso rabitaanka Somaliland ee ku biirista Heshiisyada Abraham.
Si kastaba, Trump wuxuu muujiyay in kulankiisa Netanyahu diiradda lagu saari doono xaaladda Marinka Gaza, halkaas oo Mareykanku door muuqda ka qaatay xabbad-joojin la gaaray bishii Oktoobar iyo qorshaha dib-u-dhiska ee Qaramada Midoobay oggolaatay. Marka la weydiiyay aqoonsiga Somaliland, Trump wuxuu ku jawaabay hadal kooban oo muujinaya qabow: “Maya—arrintu weli waa mid la baarayo.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale hoos u dhigay dalabka Somaliland ee ah in Mareykanku ka helo deked ama saldhig ciidan oo ku dhow Gacanka Cadmeed, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan xilligan mudnaan weyn lahayn.
Bishii hore, Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika U.S. Africa Command General Dagvin Anderson ayaa booqday Somaliland, taas oo sare u qaadday rajada Hargeysa ee xiriir dhow oo lala yeesho Washington. Dhanka Kongareeska, xildhibaano Jamhuuri ah ayaa horay u soo bandhigay hindise sharciyeed lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland.
Somaliland, oo hore u ahayd maxmiyad Ingiriis ah, ayaa tan iyo 1991 si iskeed ah uga madaxbannaanayd Soomaaliya inteeda kale, iyadoo dhistay nidaam doorashooyin iyo kala wareeg nabadeed leh. Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa si joogto ah u diidan gooni-isu-taagga, waxaana arrintan si cad uga soo horjeedda xildhibaanadda Ilhan Omar, oo ku adkeysatay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Inkasta oo Trump uu horraantii sanadkan sheegay in Mareykanku “eegayo” suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland, hadalladiisii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in Washington aysan weli diyaar u ahayn go’aan degdeg ah, isla markaana ay arrintu ku jirto marxalad daraasad iyo la-tashi siyaasadeed.
Fiiro gaar ah: Garowe Online ayaa xogtaan ka soo min-guuriyey warbaahinta New York Post, oo aad ugu dhow xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka.