Spain oo ballan-qaadday inay aqoonsato Falastiin

Image

MADRID (GO) - Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in dowladdiisa cusub ay ka shaqeyn doonto sidii loo aqoonsan lahaa dowladda Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso “dilka indho la’aanta ah ee Falastiiniyiinta” ee ka socda marinka Qasa, isagoo dhaleeceyn xooggan u jeediyay dowladda Cibraaniga ah.

Inkastoo Sanchez uu carabka ku adkeeyay in uu garab taagan yahay Israa'iil jawaabta ay ka bixineyso weerarka argagixisanimada ah ee ay fuliyeen XMS 7-dii Oktoobar, wuxuu ballan qaaday in dowladdiisa cusub ay ka shaqeyn doonto sida Yurub iyo Spain ay u aqoonsan lahaayeen dawladda Falastiin

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2014-kii uu baarlamaanka Spain uu ugu baaqay dowladda in ay Falastiin u aqoonsato dowlad, ka dib wada xaajood dhexmari doono Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM