Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Image

Spain ayaa xirtay hawadeeda diyaaradaha milatari ee Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya weerarrada ka dhanka ah Iran, iyadoo ballaarisay xayiraad hore oo la xiriirtay adeegsiga saldhigyada milatari ee si wadajir ah loo maamulo.

Wasiirka Gaashaandhigga Spain, Margarita Robles, ayaa sheegtay in Madrid aysan oggolaan doonin in la isticmaalo saldhigyada milatari ama hawada dalka ee hawlgallada la xiriira dagaalka Iran. “Ma oggolaaneyno isticmaalka saldhigyada milatari ama hawada dalka falal la xiriira dagaalka Iran,” ayay u sheegtay saxafiyiinta.

Go’aankan ayaa ku qasbaya diyaaradaha milatari ee Mareykanka inay maraan waddooyin kale, inkasta oo duullimaadyada degdegga ah laga reebay xayiraadda. 

Wasiirka Dhaqaalaha Spain, Carlos Cuerpo, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso diidmada Spain ee dagaal si hal dhinac ah loo bilaabay isla markaana “ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.”

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel, halka Donald Trump uu ku hanjabay tallaabooyin ganacsi oo aargoosi ah. 

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM