Sudan: 18 xisbi oo ka baxay wada-xaajoodkii dowlada

Image

January 21, 2015 (GO)- Inta badan axsaabta siyaasadda dalka Sudan ayaa ka baxay wadahadalkii mudada sanadka ka badan u socdey dowlada iyo mucaaradka iyagoo sidoo kale sheegay inay qaadaceen doorashada la qorsheynayo inay dhowaan dalkaas ka dhacdo.

18 xisbi oo kamid ah 21ka xisbi ee mucaaradka ayaa go'aankaas si wadajir ah qalinka ugu duugey, iyagoo sabab uga dhigay in xukuumadda al-Bashiir weli sii wado caburiska ay ku hayso mucaaradka islamarkaana diidan tahay inay sii deyso maxaabiista siyaasadda ee boqollaalka tiradoodu kor u dhaafeyso.

" waxaan go'aan ku gaarney inaan ka baxno wadaxaajoodka waxaana ugu wacan in Madaxweyne al-Bashiir diidey sii deynta maxaabiista siyaasadeed iyo weliba xoriyatul qowlka siyaasiyiinta" sidaas waxaa yiri Hassan Osman Rizk oo ah guddoomiyaha xisbiga Reform Now party.

Madaxweynaha Sudan ayaa bishii January ee sanadkii hore ku baaqay shirweyne qaran oo ay kasoo qayb galeen dhammaan axsaabta mucaaradku, si looga tashado aayaha dalka is-af-garadna looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Dadka ka faalooda siyaasadda dalka Sudan ayaa ku tilmaamay go'aanka axsaabta siyaasadu qaateen mid dhabar jab ku noqon doona qorshihii Madaxweyne al-Bashiir oo isagu xukunka afgembi militeri ku qabsadey, dalkaasna soo hoggaaminayey muddo 25 sano ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM