Sunak oo lagu eedeeyay Khiyaano

Image

London (GO) - Wasiiradii hore ee Arimaha gudaha ee boqortooyada Ingiriiska, Suella Braverman ayaa eedeyn kala dul dhacday ra'iisul wasaraha Boqortooyada, Rishi Sunak.

Braverman oo qoraal soo dhigtay barteeda X ayaa ku tiri'' waa nin daciif ah oo aan lahayn tilmaamaha hogaamiyaha wuxuuna khiyaanay amaanadii shacabka ee arimaha soo galootiga''.

Haweeneydaana ayaa todobaad kahor laga qaaday xilkii iyada oo caan ku ahayd sida wayn ee ay uga soo horjeeday dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin ee todobaad kasta ka dhaca London iyada oo ku tilmaantay kuwo nacayb xambaarsan.

Dhawaan waxaa ay ku tilmaantay kuwa ka leexday shaqadoodii oo aan dhex-dhexaad ahayn Booliska London oo iyagu diiday doonisteeda in ay hor istaagaan dibad-bax lagu taageerayay Falastiiniyiinta.

Garowe Online

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM