Suuriya: Askar Mareykan oo ku waxyeeloobay shil diyaaradeed

Image
Saraakiisha waxay si weyn hoos ugu dhigeen suurtagalnimada in lasoo riday diyaarada.

DIMISHIQ, Syria - Milateriga Maraykanka ayaa Isniintii soo wariyay in "shil diyaaradeed" oo ka dhacay waqooyi bari Suuriya inay ku dhaawacmeen 22 xubnood oo ka tirsan ciidamadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax rasaas ah oo cadawgu soo rideen, waxaana la baarayaa sababta keentay dhacdadan.

Waxa uu intaas ku daray in 10 ka mid ah dadka dhaawacmay lagu daweynayo xarumaha daryeelka sare ee ka baxsan gobolka ay maamusho CENTCOM, oo ku fidsan Masar ilaa Kazakhstan.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo shilkan ay kasoo saartey dowladda Suuriya. Sidoo kale, lama soo bandhigin haddii baaritaanka ay ka qeyb-qaadan doonan ciidamadda Suuriya.

Ma jirto koox illaa waqti-xaadirkan dusha saaratay mas'uuliyadda shilkan. Hase ahaatee, saraakiisha waxay si weyn hoos ugu dhigeen suurtagalnimada in lasoo riday diyaarada.

Xiriirka u dhaxeeya Suuriya iyo Mareykanka ayaanan hagaagsaneyn maadaama xukuumadda Dimishiq ay si weyn ugu dhow-dahay xukuumadda Moscow ee maamulka Putin.

Maraykanka ayaa waxa gudaha Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, kuwaas oo qayb ka ah hawlgalka la-talinta iyo caawinta saaxiibada dagaalka kula jira kooxda dawladda Islaamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM