Suuriya: Askar Mareykan oo ku waxyeeloobay shil diyaaradeed

Image
Saraakiisha waxay si weyn hoos ugu dhigeen suurtagalnimada in lasoo riday diyaarada.

DIMISHIQ, Syria - Milateriga Maraykanka ayaa Isniintii soo wariyay in "shil diyaaradeed" oo ka dhacay waqooyi bari Suuriya inay ku dhaawacmeen 22 xubnood oo ka tirsan ciidamadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax rasaas ah oo cadawgu soo rideen, waxaana la baarayaa sababta keentay dhacdadan.

Waxa uu intaas ku daray in 10 ka mid ah dadka dhaawacmay lagu daweynayo xarumaha daryeelka sare ee ka baxsan gobolka ay maamusho CENTCOM, oo ku fidsan Masar ilaa Kazakhstan.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo shilkan ay kasoo saartey dowladda Suuriya. Sidoo kale, lama soo bandhigin haddii baaritaanka ay ka qeyb-qaadan doonan ciidamadda Suuriya.

Ma jirto koox illaa waqti-xaadirkan dusha saaratay mas'uuliyadda shilkan. Hase ahaatee, saraakiisha waxay si weyn hoos ugu dhigeen suurtagalnimada in lasoo riday diyaarada.

Xiriirka u dhaxeeya Suuriya iyo Mareykanka ayaanan hagaagsaneyn maadaama xukuumadda Dimishiq ay si weyn ugu dhow-dahay xukuumadda Moscow ee maamulka Putin.

Maraykanka ayaa waxa gudaha Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, kuwaas oo qayb ka ah hawlgalka la-talinta iyo caawinta saaxiibada dagaalka kula jira kooxda dawladda Islaamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM