Suuriya iyo Ciraaq oo kawada hadlay ajande liddi ku ah Turkiga

Image
Ciraaq iyo Suuriya ayaa xiriir dhow lahaa muddo sanado ah, xitaa ka dib markii dalal badan oo Carab ah ay kala baxeen safiiradooda Dimishiq.

DIMISHIQ, Suuriya - Ra'iisul wasaaraha Ciraaq ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad waana safarkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo wasiirka koowaad uu ku tago dalka ay colaaduhu aafeeyeen tan iyo markii uu billowday colaadda 12-ka sano ah.

Bashaar Al-Asad ayaa shalay oo Axad ahayd qasriga madaxtooyada Dimishiq ku qaabilay ra'iisul wasaaraha dalkaas Maxamed Shiicada Al-Sudani oo hoggaaminayay wafdi heer sare ah.

Labada hoggaamiye ayaa markii dambe u sheegay warfidiyeenka inay ka wadahadleen la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyaha xudduudaha, soo celinta qaxootiga Suuriya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga qaado cunaqabataynta ciqaabta ah ee reer galbeedka ay ku soo rogeen Suuriya.

Waxa kale oo ay ka hadleen weerarrada Israa’iil ku hayso dalka ay dagaalladu aafeeyeen iyo biyo la’aanta ka jirta Webiga Furaat, oo ah webi kala gooya labada waddan, sababtoo ah biyo-xireennada sare ee Turkiga.

Bishii Juun 2014, kooxda hubaysan ee ISIL (ISIS) ayaa ku dhawaaqday inay aasaaseen khaliifad ay isku sheegeen inay ka dhisteen dhul ballaaran oo ay ka taliyaan Ciraaq iyo Suuriya.

Horraantii sanadkan, xubinimadii Suuriya ee Jaamacadda Carabta ayaa dib loo soo celiyay, Assadna wuxuu ka qaybgalay shirkii Carabta ee lagu qabtay Sacuudi Carabiya bishii May.

Ciraaq iyo Suuriya ayaa xiriir dhow lahaa muddo sanado ah, xitaa ka dib markii dalal badan oo Carab ah ay kala baxeen safiiradooda Dimishiq iyo markii xubinimadii Suuriya ee Jaamacadda Carabta la joojiyay sababo salka ku haya xasuuqii arxan darrada ahaa ee lagu qaaday mudaaharaadayaasha 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM