Sweden oo dib u bilowday hubkii ay u dhoofin jirtay Turkiga

Image
Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019.

ANKARA, Turkey — Wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ayaa sheegtay Jimcihii shalay inay laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, isla markaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan dalbaday xubinimada NATO kadib markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine, balse waxa ay la kulmeen xaalad adag, maadaama codsigoodu uu u baahnaa inay ansixiyaan 30 ka xubnood ee hadda jooga, iyadoo Turkiga uu arrintaas ka soo horjeestay.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu hor istaagi doono dalabkooda ku aaddan eedeymaha Ankara ee ah inay taageerto YPG ee waqooyiga Suuriya, taasoo uu u arko inay tahay kordhinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan koox argagixiso.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 ka dib markii dagaal ka dhan Kurdiyiintaa Suuriya ee YPG ay gudaha u galeen Suuriya.

Saddexda dal ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shirkii NATO ee bishii June ka dhacay magaalada Madrid, halkaasoo Sweden iyo Finland ay ku heshiiyeen dhowr tallaabo oo la qaadayo si wax looga qabto walaaca Turkiga ee musharaxiinta.

ISP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billowday bixinta oggolaanshaha dhoofinta inta lagu guda jiro rubuci saddexaad laakiin ma aysan shaacin shirkadaha ama badeecadaha la siiyay fasaxa, iyagoo tixraacaya sirta.

GO + VOA

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM