Taliban oo shaacisay khasaaraha qaraxa madaarka Kabul

Image
Image
Qaraxyada oo ahaa laba ayna fuliyeen naftood haligeyaal ayaa yimid saacado kadib digniin laga bixiyey.

KABUL, Afghanistan - Sarkaal ka tirsan Taalibaan ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen weerarka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul. Sarkaalka ayaa sheegay in tiradA ay ku jiraan haween iyo carruur waxaana sidoo kale la dhaawacay tiro ka mid ah ilaalada taalibaan. Ma jirto xaqiijin intaa ka badan.

Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka laga galo ee Abbey halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Ingiriiska maalmihii la soo dhaafay. Waa mid kamid ah saddexda irdood oo loo xiray digniino ku saabsan halisaha weeraro argagixiso.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa intaas ku dartey in qaraxyadda ay ahaayeen laba. Ma bixin tafaasiil intaas ka badan iyo haddii ay jiraan askar Turkish oo wax ku noqotay. Daacish ayaa sheegatay weerarka.

Saxafiga reer Afghanistan Bilal Sarwary - oo maalmo ka hor laga daadgureeyay dalka - ayaa wariyey in qaraxa uu ka dhacay kanaal bullaacad ah oo qaxootiga Afgaanistaan ​​looga hubinayay dukumintigooda fiisaha.

Wuxuu soo warinayaa in qof isa soo miidaamiyay uu walxaha qarxa ku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen dad badan ka hor inta uusan qofka labaad ee weerarka soo qaaday rasaas ku bilaabin.

Weerarkan ayaa wuxuu yimid kadib digniino ah inay jiri karaan weeraro ay geysan karaan mintidiinta Daacish, iyadoo ay socdaan daadgureynta dadka reer Afghanistan ee ka cararaya xukunka Taliban.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa yiri: "Ma hayno wax diiwaan ah oo ku saabsan khasaaro ilaa haatan soo gaarey ciidamada UK laakiin waa xilli hore in si dhab ah loo ogaado". Ciidamada Ingiriiska ayaa dhowaan saldhig ku lahaa albaabka Abbey Gate oo ku yaal Kabul Hamid Karzai International Airport.

Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxa uu ka dambeeyay qof ismiidaamiyay, Halka Aqalka Cad uu xaqiijiyay in Madaxweyne Biden lagu wargeliyay xaaladaha kasoo kordhay Kabul halkaasoo Mareykanka uu kasoo daabulayo shacabka aan dooneyn in ay ku hoos-noolaadan Taalibaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM