Taalibaan oo xirtey wadaad caan ka ahaa Afghanistan

Image
Maulvi Mohammad Sardar Zadran ayaa lataliye u soo noqdey madaxweynihii xilka laga qaaday Ashraf Ghani.

KABUL, Afghanistan - Kooxda Taalibaan ayaa xirtay wadaad reer Afgaanistaan ​​ah oo saamayn ku leh dalkaas isla markaana la taliye u ahaa madaxweynihii xilka laga qaaday Ashraf Ghani.

Maulvi Mohammad Sardar Zadran ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa madaxii hore ee golaha qaranka Afghanistan ee culimada diinta, urur diimeedka ugu weyn waddankaas.

Wiilkiisa ayaa tibaaxay in ay kooxda Taliban ku qabatay gobolka Khost. Waxaa la sii daayay sawir u muuqda inuu muujinayo Mr Sardar Zadran oo indhaha ka xiran oo fadhiya.

Wadaadka ayaa leh taageerayaal aad u badan waxaana la soo weriyay inuu ku baaqay kacdoon ka dhan ah Daalibaan oo laba todobaad kahor la wareegtay magaala madaxda Kabul.

Dhanka kale, Taalibaan ayaa ku eedeysay ciidamada Mareykanka ee Kabul inay si sharci-darro ah ugu dhaqmeen markii ay fuliyeen weerar diyaaradeed Axaddii "si looga hortago weerarro kale oo lagu qaado garoonka".

Wareysi uu siiyay telefishinka Shiinaha, afhayeenka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa caddeeyay in Mareykanka ay ahayd in ay soo sheegaan wax kasta oo khatar ku ah kooxda.

Ehelada dhibanayaasha ayaa BBC -da u sheegay in la dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan lix carruur ah. Milatariga Mareykanka wuxuu hadda wada baaritaan ku saabsan duqeynta diyaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM