Taliban ​​iyo Mareykanka oo wadahadallo ku yeelanaya Doha

Image

KABUL - Wasiirka arrimaha dibadda ee Afgaanistaan, Amir Khan Mottaki ayaa sheegay in inta uu ku guda jiro booqasho uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Dooxa, uu kulan la qaadan doono wafdi Mareykan ah.

Wasiirka ayaa kala hadli doono Mareykanka cunaqabateynta lagu soo rogay dalkiisa, iyo masiirka lacagaha uga xayiran bangiyada Mareykanka.

Mottaki ayaa xaqiijiyay in uu ka dalban doono dhanka Mareykanka in madaxda iyo mas’uuliyiinta dowladda Afgaanistaan laga saaro liiska madow ee u diidaya in ay safraan.

Waxa uu tilmaamay in uu wakiilka Washington kala hadli doono arrinta ku saabsan ku xadgudubka hawada Afgaanistaan ee Mareykanka, taasoo ka soo horjeedda heshiiskii ay magaalada Doha ku galeen, iyo Sidoo kale shuruucda caalamiga ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba sarkaal oo Mareykan ah ay toddobaadkan la kulmi doonaan wafdi ka socda Taliban iyo khubaro kale oo ka socda Dowladda Afgaanistaan.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii la soo dhaafay ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Afgaanistaan Thomas West, iyo ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Afgaanistaan, Rina Amiri, ay la kulmi doonaan wafdiga Taliban ee jooga Doha.

Kulankan ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha amniga, xuquuqda haweenka, xasilloonida dhaqaalaha, iyo dadaallada lagula dagaallamayo wax soo saarka daroogada iyo ka ganacsigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM