Taliban ​​iyo Mareykanka oo wadahadallo ku yeelanaya Doha

Image

KABUL - Wasiirka arrimaha dibadda ee Afgaanistaan, Amir Khan Mottaki ayaa sheegay in inta uu ku guda jiro booqasho uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Dooxa, uu kulan la qaadan doono wafdi Mareykan ah.

Wasiirka ayaa kala hadli doono Mareykanka cunaqabateynta lagu soo rogay dalkiisa, iyo masiirka lacagaha uga xayiran bangiyada Mareykanka.

Mottaki ayaa xaqiijiyay in uu ka dalban doono dhanka Mareykanka in madaxda iyo mas’uuliyiinta dowladda Afgaanistaan laga saaro liiska madow ee u diidaya in ay safraan.

Waxa uu tilmaamay in uu wakiilka Washington kala hadli doono arrinta ku saabsan ku xadgudubka hawada Afgaanistaan ee Mareykanka, taasoo ka soo horjeedda heshiiskii ay magaalada Doha ku galeen, iyo Sidoo kale shuruucda caalamiga ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba sarkaal oo Mareykan ah ay toddobaadkan la kulmi doonaan wafdi ka socda Taliban iyo khubaro kale oo ka socda Dowladda Afgaanistaan.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii la soo dhaafay ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Afgaanistaan Thomas West, iyo ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Afgaanistaan, Rina Amiri, ay la kulmi doonaan wafdiga Taliban ee jooga Doha.

Kulankan ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha amniga, xuquuqda haweenka, xasilloonida dhaqaalaha, iyo dadaallada lagula dagaallamayo wax soo saarka daroogada iyo ka ganacsigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM