Taliban oo baaq u dirtay dunida kadib bixitaanka Mareykanka

Image

KABUL, Afghanistan - Af-hayeenka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa la dardaarmay cutubyadda ciidamadda gumaandooska gaarka ah ee kooxda kuwaasoo ku sugan marinka laga galo madaarka Kabul.

"Waxaan rajaynayaa inaad si taxaddar leh ula dhaqantaan qaranka," ayuu yiri. "Qarankeennu wuxuu la kulmay dagaal iyo duullaan, dadkuna ma laha dulqaad dheeraad ah," ayuu hadaliisa ku daray.

Dhammaadkii hadalkiisa, dagaalameyaasha guutadan oo loo yaqaano Badri 333 una hubeysan si baaxad weyn ayaa waxay ku qayliyeen: "Ilaah baa weyn!"

Markii dambe, isagoo la hadlaya Al Jazeera Arabic, Mujaahid wuxuu diiday dhismaha xukuumad kumeelgaar ah wuxuuna ku adkaystay: "Waxaa jiri doona nabadgelyo guud ahaan Kabul walwal ma jirayo".

Mujaahid oo kalkii dambe kasoo muuqdey shir jaraa'id ayaa ku baaqay midnimo qaran kadib markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka baxeen Afghanistan 20 sano kadib.

Dadka reer Afghanistan ayuu ku booriyey inay "ka gudbaan kala duwanaanshaheena oo ay isu yimaadaan", isagoo sheegay in beesha caalamku aysan taageeri doonin dalka haddii dadkiisu aysan midoobin.

Dowladda soo socota ayuu xusay inay mataleyso dhammaan dadka reer Afgaanistaan. Wuxuu tibaaxay arrimaha dhaqaalaha ay la tacaali doonan. Dalalka kale inay maalgashi ku sameeyaan Afgaanistaan.

Ugu dambeyntii, Taalibaan ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay baadigoobeyso "xiriir wanaagsan" oo ay la yeelato beesha caalamka ayna ka eegi doonaan inay "si is-dhexgal ah" u xalliyaan arrimo kasta oo taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM