Taliban oo lala xiriiriyey xariga saxafiyiin la shaqeynayey UN-ka

Image
Mid ka mid ah saxafiyiinta waa Andrew North oo horey Afghanistan uga soo waramay BBC-da

KABUL, Afgaanistaan - Labo wariye oo caalami ah oo howlo shaqo la qabanaayey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa lagu xiray caasimadda Afgaanistaan, sidda ay shaacisay hay’adda.

"Laba wariye oo shaqo la waday UNHCR iyo muwaadiniin Afgaanistaan ​​ah oo iyaga la shaqeynayay ayaa lagu xiray Kabul," ayay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Mid ka mid ah saxafiyiinta waa Andrew North, oo weriyaha British ah kaas BBC-da uga soo waramayey Afgaanistaan ​​​​ku dhawaad ​​20 sano, si joogto ahna ugu socdaalay waddanka ay dagaalladu aafeeyeen si uu uga warbixiyo dhibaatooyinka bini'aadanimo ee sii xumaanaya.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay eegayaan arrintan. "Warkaas waanu helnay, waxaana isku dayaynaa inaan xaqiijino inay xidhan yihiin iyo in kale,” ayuu yiri Mujaahid.

Tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalka bishii Ogosto, waxaa sii kordhayay walaaca laga qabo olole ka dhan ah mucaaradka, warbaahinta madaxa-banaan iyo haweenka.

Qaramada Midoobay ayaa marar badan qeylo dhaan ka soo saartay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee la la'yahay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ugu yaraan 50 wariye iyo xirfadlayaal kale oo warbaahin ah ayaa la xiray ama ay xireen booliiska Taliban ama sirdoonka tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta Afgaanistaan.

Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ayaa toddobaadkan ku sheegay warbixin in qaar badan oo shaqsiyaadkaas xubinta ka ah ururka ay xabsiga dhexdiisa kula kulmeen rabshado.

Warbixintu waxa ay tilmaantay jiritaanka "caaga-juglaynta sii kordhaysa ee saxaafadda iyo xeerarka sii kordhaya ee xaddidaya xuquuqda wararka iyo macluumaadka", tan iyo markii ay xukunka dib u hanatay Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM