Taliban oo "laysay" askar ka tirsanaa dowladii hore ee Afghanistan

Image
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in eedeyntan ay salka ku hayso "sheegasho lagu kalsoonaan karo".

NEW YORK, USA - Qaramada Midoobay ayaa heshay "eedeymo lagu kalsoonaan karo" oo sheegaya in in ka badan 100 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray dowladda Afgaanistaan, ciidamadeeda ammaanka iyo kuwa la shaqeynayay ciidamada caalamiga ah la dilay tan iyo markii ay Taliban qabsadeen dalkaas 15-kii Agoosto, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Guterres ayaa warbixin uu siiyey AP wuxuu ku sheegay in “in ka badan saddex-meelood laba” dhibanayaasha lagu eedeeyay inay ka dhasheen dilal sharci darro ah oo ay gaysteen Taliban ama xulafadooda, inkastoo Taliban ay ku dhawaaqday “cafis guud” oo ay u sameysay shaqsiyaadka xiriirka la leh dawladii hore iyo ciidamada isbahaysiga ee Maraykanku hogaaminayey.

"Hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan ​​ayaa sidoo kale helay eedeymo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan dilal sharci darro ah oo loo geystay ugu yaraan 50 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin ISIL-KP, kooxda Daacish ee xagjirka ah ee ka hawlgasha Afgaanistaan," ayuu Guterres ku sheegay warbixinta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guterres ayaa hoosta ka xariiqaya in difaacayaasha xuquuqul insaanka iyo shaqaalaha warbaahinta ay sidoo kale wali wajahayaan "weerar, caga-jugleyn, cabsi-gelin, xarig aan sabab lahayn, si xun loola dhaqmo iyo dil beegsi ah".

Taalibaan ayaa markii hore balan qaaday cafis guud oo loo fidinaayo dadka la shaqeeyay dowladii hore iyo ciidamada caalamiga ah, in ay ixtiraameyso xuquuqda metelaadda haweenka iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Taliban ayaa dib u soo cusboonaysiisay xannibaadaha haweenka waxayna soo magacaabeen xukuumadda gabi ahaanba rag ah, taasoo niyad jab ku noqotay beesha caalamka.

Dhaqaalaha ku tiirsan gargaarka ee Afgaanistaan ​​ayaa horeyba u turunturooday markii ay Taliban qabsadeen awoodda, beesha caalamkuna waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibedda waxayna joojisay taageeradii dhaqaale, iyada oo qiil laga dhinayao "ficiladii Taliban ee arxan-darrada ahaa mudadii u dhaxeysay 1996-2001 iyo diidmada in gabdhaha wax la baro oo loo ogolaado haweenka inay shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM