Taliban oo magaca ka badashay wasaarada haweenka

Image
Talaabadan ayaa dad badan oo u dooda xuquuqda haweenka waxay ku qeexeen mid lagu caburinayo dumarka.

KABUL, Afghanistan - Taalibaan oo 20-sano kadib dib ula wareegtay talada Afghanistan ayaa magacii wasaaradda haweenka dalkaas u badashay "Faafinta wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta".

Talaabadan waxay dad badan oo u dooda xuquuqda haweenka waxay ku qeexeen mid lagu caburinayo dumarka ayna xoojineyso hubanti la'aanta soo wajahadey haweenka markii kooxdu soo laabatay.

1990-kii oo kooxda ay markii ugu horeysay talada dalkaas qabatay waxay gabdhaha iyo haweenka ka joojiyeen waxbarashada kana mamnuucay nolosha dadweynaha.

Geesta kale, Wasaaradda Waxbarashada ee ay maamusho Daalibaan ayaa ugu baaqdey wiilasha fasallada 7aad illaa 12aad inay ku soo laabtaan dugsiga Sabtida maanta ah iyaga iyo macallimiintoodii ragga ahaa, laakiin lama sheegin gabdho ku jiray fasalladaas oo ku soo noqonaya dugsiga.

Kalkii hore, wasiirka tacliinta sare ee Taalibaan ayaa daaha ka rogay in gabdhaha iyo wilasha si siman loo siin doono waxbarashada, inkasta oo ay ku jiraan goobo lagu kala saarey.

Dhanka kale, saddex qarax ayaa lagula beegsaday baabuur ay leeyihiin Daalibaan Sabtidii xarunta gobolka bari ee Jalalabad, waxaana ku dhintay saddex qof 20 kalena way ku dhaawacmeen.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda, laakiin dagaalyahannada ISIL (ISIS), oo saldhigoodu yahay aagga, ayaa ah cadowga ugu xoogan ee illaa haatan ay leedahay Daalibaan.

Taalibaan ayaa wajaheysa dhibaatooyin waaweyn oo xagga dhaqaalaha iyo amniga ah iyagoo isku dayaya inay maamulaan Afghanistan oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay wajaheysay colaado culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz

Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.

  • Caalamka

    23-04-2026

  • 01:46PM

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM